Home.Warka

Dagaal yahanada Peshmerga oo gudaha ugalay Kabone

Like Tweet Pin it Share Share Email

imagesOW5ZFH4X

Xoogaga kurdishka ee Peshmerga ee dalka ciraaq ayaa la sheegayaa in ay gaareen dhinaca xadka Turkiga ee Magaalda go’doonsan ee Kobane, Magaaladaas oo ay hareeyeen dagaalyahanada kooxda Islamiga ee Daacish.

Waxaa lagu wadaa in dhowaan ay galaan Magaaladaasi, si ay u xoojiyaan dagaalyanahada kurdishka oo Magaaldaasi ka difaacaya Daacish iyagoo taagera ka helaya duqeymaha ay geysnayaan isbaheysiga uu hogaamiyo Mareykanka.

Weriye ka tirsan BBC-da ayaa soo sheegaya in xoggaga Peshmerga ee Kurdiyiinta ay hal Kilometar oo keli ah u jiraan Magaalda Kobani.

Turkiga ayaa ka caga jiidayey in uu gacan ka geysto xoojinta ciidammada kurdishka ee Kobane ku sugan, balse, Mareykanka ayaa ku cadaadiyey in uu u ogolaado dagaalyahannadan Peshmerga in ay galaan Magaalda kobane.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *