Dibad baxayaal Gubay Barlamaanka Burkino Faaso

untitled

Wararka ka imanaya dalka Burkina Faso ayaa sheegaya in rasaas laga maqlayo meel u dhow madaxtooyada dalkaasi, ka dib markii goobtaas ay ka dhaceen mudaharaado kala duwani, waxaana dadka isu-soobaxa samaynayaa ay dab qabadsiiyeen dhismaha baarlamaanka.

Xiisadahan ka curtay dalka Burkina Faso ayaa yimi ka dib markii golaha sharci-dejintu uu soo jeediyey in wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyo dastuurka dalkaas, waxaana isbedelka cusub ee dastuurku uu fursad u siinayaa madaxweynaha dalkaas hoggaamiya inuu sii korodhsado muddo xileedka uu xafiiska joogay . mida kale ciidamada boolisku ayaa isticmaalayey  suntan dadka kaga ilmaysiisa iyo biyo xoog badan si ay banaanbaxayasha uga saaraan dhismaha baarlamaanka, laakiin dadka mudaharaadayey ayaa soo jabsaday xayn-daabkii loo sameeyey isla markaana buuxdhaafiyey dhismaha baarlamaanka.

weriyaha ayaa sidoo kale sheegaya in xubno ka tirsan ilaalada madaxtooyadu ay rasaas u rideen hawada si ay u joojiyaan dadka mudaharaadka samaynaya kuwaas oo u jihaystay xagga madaxtooyada, waxaana taasi dhalisay in mid ka mida banaanbaxayaasha madaxa laga toogto.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post