Taliyihii booliska Soomaaliya oo geeriyooday.

taliyaha Booliska

Taliyihii ciidanka booliska Soomaaliya, Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil ayaa galabta ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho.

Marxuumka ayaa la sheegay inuu u dhintay xannuun si deg-deg ah uga soo booday wadnaha, sida uu ku soo warramay weriyaheenna Muqdisho.

Jeneraal Maxamed ayaa xafiiska hayay muddo ka yar lix bilood.

Share this post

Post Comment