NATO Oo walaac muujisay

article-2073901-019B8F8D000004B0-323_634x322

Gaashaan buurta NATO ayaa walaac ka muujisay, Duulimaadyo joogto ah oo sida ay sheegayaan, Diyaaradaha dagaalka ee Ruushku, si xaawli ah ay ugu samaynayeen, hawadda waddamada midowga Yurub ka tirsan, waxaana maalmihii ugu danbeeyay oo kaliya la arkayey diyaarado fara badan oo nooca dagaalka ah oo dul heehaabaya midowga yurub.

Wasiirka gaashaandhiga dalka Poland Tomasz Siemoniak, ayaa isagu kulan uu la yeeshay madaxda dalka Jarmalka ku codsaday, in NATO dalkiisa iyo xuduudaha bari ee waddamada midowga Yurub, ka samayso heegan culus, si loo badbaadiyo waddamadaas, laakiin waxa sida muuqata jira in NATO, ka cago jiidayso isla markaana aanay doonayn inay furin cusub oo dagaal isku furto ama Ruushka meel kale isaga hor yimaadaan.

Share this post

Post Comment