Taliyihii Booliska oo meydkiisa loo qaaday kenya si loo baaro sababta uu udhintay

Somali soldiers stand over the flag-drap

Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa goor dhow laga duuliyay maydka allaha naxariistee taliyihii ciidamada booliska Soomaaliyeed Jen Maxamed Sheekh Xasan Cismaaciil,waxaana la sheegay in la geyn doono magaalada Nairobi ee dalka Kenya si baaritaan loogu sameeyo.

Diyaarada lagu qaaday Meydka Marxuunka waxaa raacay Saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliyeed.Sarkaal ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa  Faafiye u sheegay in meydka taliyaha Nairobi loo geynayo si loo ogaado waxyaabaha uu sababsaday.

War baahinsa Soomaalida ayaa tan iyo xalay baahinaysay warar an wali la xaqiijin oo sheegaya in taliyihii ciidamada booliska Soomaaliyeed la siiyay sun,kaddibna uu u geeriyiiday,waana taas mida sababtay in meydkiisa la qaado.

Dhinaca kale,warar soo baxaya ayaa sheegaya in tiro dad ah loo xiray kiiska la xiriiray geerida Taliyaha ee sida kediska ah ku dhacday, waxaana dadka la xiray ku jira nin dhaqtar ah oo daawo siiyay taliyaha ka hor inta aanu geeriyoon, isla markaana markii hore uu xanuun ahaan ugu tagay dhaqtarka.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeysay geerida taliyaha waxaana ra’iisul wasaaraha u isla xalayba magacaabay ku simaha taliyaha ciidanka

Taliyihii ciidanka booliska soomaaliyeed  ee shalay geeriyooday ayaa waxa alasheegayaa in meydkiisa loo qaaday dalka kenya waxaana warar si hoose ay u heshay warbaahinta  ayaa aasheegayaa in general Maxamed Sheekh Xasan  loobadinayo in geeradiisa ay sababtay  shaah uu cabay wax loogu daray.

waxaa wararka soo baxaya ay sheegayaan in loo saaray labo dhaqtar oo si gaar ah u soo baaraya meydkiisa.

waxaa saaka laga duuliyay garoonka diyaaradaha muqdisho.

dadka ku dhow dhow generalka ayaa waxay sheegayaan in ay ubadan tahay in kubashiin uu cabay jirada uu ugeeriyooday ka qaaday

dhanka kale waxaa soo ka cirnaa wadooyinka soo gala eerboodka muqdisho sabatana waxaa ay ahayd meydka talyihii hore oo loo duulinayay neyroobi

Share this post

Post Comment