Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay oo ka walaacsan khilaafka madaxda siyaasadda Soomaaliya.

KAY

Wakiillada Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Nicholas Kay iyo Danjire Michele Cervone ayaa walaac ka muujiyay khilaafka sii xumaanaya ee u dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo raysul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

War-saxaafadeedyo ka soo kala baxay xafiisyada Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay ayaa lagu shegay in xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa madaxda siyaasadda Soomaaliya ay waxyeelleyneyso horumarrada la doonayo in la sameeyo ka hor inta aan la gaarin sanadka 2016.

Waxay ugu baaqeen madaxweynaha iyo raysul wasaaraha inay khilaafkooda meel iska dhigaan, una midoobaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen duruufaha adag ee ay ku jiraan shacabkooda.

Waxay ka digeen mooshin ka dhan ah raysul wasaaraha oo la sheegay inay wadaan qaar ka tirsan xildhibaannada baarlamaanka, iyagoo ku tilmaamay inuu kaga sii darayo xasaradda siyaasadeed ee ka taagan dalka.

Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, IGAD, AMISOM, Mareykanka, UK iyo dalalka deriska la ah Soomaaliya ayaa iska kaashanaya sidii xal looga gaari lahaa khilaafka madaxda sare ee Soomaaliya.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post