Dhaqaatiir Lagu Afduubtay Garbahaareey

imagesIQ3HAFOMWararka ka imaanaya Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Kooxo Hubeysan ay Afduubteen Dhaqaatiir ka Howlgali jiray Isbitaalka Guud ee Gobolka Gedo oo ku yaala degmada Garbahaareey.

Gudoomiyaha Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo iimaan Cadoow Gaarshe ayaa waxa uu warbaahinta u sheegay in Dhaqaatiirta ay Tababaro ku soo qaateen Dalka Kenya, islamarkaana uu sheegay in laga qafaashay Meel u dhaw Degmada Baled-xaawo ee Gobolka Gedo, xili ay ku soo jeedeen Magaalada Garbahaareey.

Iimaan Cadoow Gaarshe ayaa sheegay in Dhaqaatiiirta la afduubtay ay gaarayaan Saddex Dhaqtar oo ka howlgali jiray Isbitaalka Garbahaareey,waxaana uu intaa ku daray in ay jiraan Warar sheegaya in uu ku jiro Dhaqtar ka Shaqeeya Isbitaalka Degmada Buurdhuubo oo Afar ka dhigaya Tirada.

Gudoomiyaha Degmada Garbahaareey ayaa Afduubka Dhaqaatiirtan ku eedeeyay Xarakada Al-shabaab, isagoo sheegay in  ay u galeen Wadada u dhaxeeysa Degmoyinka Balad-xaawo iyo Garbahaareey, Ciidamada Amaanka ayaa ku raadjooga sidii ay u soo furan lahaayeen”ayuu yiri Iimaan Cadoow Gaarshe.

Dhanka kale Al-shabaab wali wax war ah kama soo bixin oo ku aadan Dhaqaatiirta lagu eedeeyay in ay Afduubteen.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post