Home.Warka

Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha oo kulamo kula leh garoonka dayaaradaha wafdi ka socda Maraykanka

Like Tweet Pin it Share Share Email

440097966_640

Wararkii ugu dambeeyay ee arrimaha siyaasada dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisal wasaare Cabdweli Sheekh Axmed ay haatan kulamo albaabada u xiran kula leeyihiin wafdi ka socda Maraykanka hoolka shirarka ee ku dhex yaal garoonka dayuuradaha magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa ah mid ka mid ah kulamo xiriir ah oo cadaadis lagu saarayay mas’uuliyiinta dowlada ee ah in heshiis laga gaaro arrimaha siyaasada dalka. Wakiilka gaarka ah ee dowlada Maraykanka ee dalka Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay in uu kamid yahay wafdiga ay la kulmayaan madaxweynaha iyo ra’iisal wasaarahaba.

Gelinkii hore ee maanta ayaa ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobay Nicholas Kay waxa uu kulamo la yeeshay saddexda mas’uul ee ugu sareysa dalka isagoo kala hadlay arrimo ku saabsan xasilinta siyaasada dalka Soomaaliya.

Waxaa socda dadaalo xoog eh oo lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya madaxweynaha iyo ra’iisal wasaraha. Cadaadiskan ayaa maanta gaaray meel aad u sareysa iyadoo safiiro ka socda wadamada qaarada Yurub sida safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya ay yimaadeen magaalada Muqdisho kuwaasoo wadahadalo si kala gaar gaar ah ula yeelanaya mas’uuliiinta dalka.

Dadaaladan ayaa sii xoogeystay kadib markii xalay uu ku dhowaaqay guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari uu sheegay in ay isku afgarteen xildhibaanada baarlamaanka in la hakiyo mooshinka ka dhanka ahaa xukuumada dalka inta ay socdaan wadahadalada lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafka.

unnamed

Howlihii madaxda sare ee dalka ayaa waxaa hakiyay khilaafka u dhexeeya labada dhinac, waxaana laga waayay labada mas’uul meelihii hore loogu arki jirey iyagoo sidoo kale ka hadli jirey siyaasada dalka halka ay marayso.

Ma jiro wax hadal ah oo ay ka soo saareen labada mas’uul Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha dagaalkii dadka badan ku dhinteen ee shalay ka dhacay Kudhaa kaasoo ay ciidamada Alshabaab kula wareegeen maamulka jasiiradaas.

Wixii ka soo baxa kulamada garoonka dayuuradaha kala soco allsomaliweyn.com

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *