130318-D-NI589-798

Dowlada Mareykanka ayaa markii ugu horeesay waxa ay ka haddashay walaac xoogana ka muujisay Khilaafka xoogan ee ka dhax aloosan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’izul Wasaare Cabdi Wali Sheekh Axmed.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaarada Arrimaha Dibada dalka Maraykanka ayaa walaac xoogan waxaa looga muujiyay Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya iyo R/Wasaaraha ,waxa ayna Dowlada Mareykanka sheegtay in dadka Soomaaliyeed ay dhibaatooyin badan kala kulmayaan Khilaafyada caadada noqday ee markasta u dhaxeeya Madaxda sare ee Soomaaliya.

Dowlada Mareykanka ayaa cadeesay in ay dhexdhexaad ka tahay khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo /Rawasaaraha , Mareykanka ayaana ku baaqay in la xaliyo lagana wada shaqeeyo danaha umadda Soomaaliya, ka shaqaynta Amniga dalka, hormarka dalka, hirgelinta barnaamijka Hiigsiga Cusub 2016 si dalka doorashooyin xor uga dhacdo kalka xiga.

Warka Qoraalka ee kasoo baxay Dowlada Mareykanka ayaa sidoo kale lagu shaaciyay in Dowlada Mareykanka aysan ka qeyb galeyn wakiilo matalana aysan u direyn Shirka arimaha Soomaaliya looga hadlayo ee New Dealka (Hiigsiga Cusub) kaa oo ka furmaya isbuuca dambe (19 -21 Nov 2014) magaalada Copenhagen ee dalka Denmark.

Qoraalkan kasoo baxay Dowlada Mareykanka ayaa lagu cadeeyay sababaha ay dowladda Maraykanku ugu dirayn wakiilo matala shirka in ay tahay ka dib markii ay arkeen khilaafka madaxda dowladda federaalka oo aan xal laga gaarin, Maraykaka ayaa u arka in aysan faa’iido ku jirin madax is khilaafsan oo shirkaa ka qayb gala.

Dowlada Mareykanka , Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay ayaa ku guul dareestay in ay xaliyaan Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya iyo R/Wasaaraha , waxa ayna dhamaan xuseyn in Khilaafkan uu dib u dhac ku keenayo Hiigsiga Sanada 2016-ka.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post