Ra'iisal Wasaare Cabdiweli ooka niyad Jabay Joogitaanka xafiiskiisa

Ahmed, Somalia's new prime minister, reacts during a news conference at the presidential palace in Mogadishu

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Feederaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa ku tilmaamay khilaafka siyaasadeed ee hadda dalka ka jira inuu u baahan yahay in lagu xaliyo wada xaajood iyo is qancin.

Ra’iisul Wasaarhaa ayaa ku tilmaamay khilaafka siyaasadeed noocaan ah uu dalka u horseedi karo in aan si wanaagsan loo xaqiijin Hiigsiga 2016, oo la rabo Soomaaliya in ay ka dhacdo doorasho ay ka qayb qataan dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

“Dalka Soomaaliya wuxuu soo maray 24-kii sano ee la soo dhaafay colaado, abaaro, qalalaaase siyaasadeed oo u horseeday bur-bur soo gaara haykalkii dowladnimo ee dalka. Anagoo ka tusaale qaadanayna dhibaatooyinkaas na soo maray, waa inaan dhamaanteen u wada istaagno samatabixinta dalka iyo dadka. Waana in aan meel uga soo wada jeedsano sidii aan u ilaalin lahayn ku dhaqanka dastuurka KMG iyo sharuucda kale ee dalka u yaala” ayuu yiri RW Cabdiwali.

Ra’iisul Wasaaraha oo hadalkisa sii wata ayaa yiri “Wax kasta oo khilaaf siyaasadeed ah waxaa haboon in loo maro hab ku dhisan wada xaajood, is qancin iyo u turid dowladnimada curdanka ah ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa ku tilmaamay arrimaha hadda socda in ay yihiin kuwo saamayn kara nabad ku soo dabaalida dalka iyo ciribtirka argagaxisada, hirgalinta iyo xaqiijinta nidaamka federaalka. Waxaa sidoo kale mudan in la tixgaliyo lana dhiiri galiyo dadaaladda beesha caalamku ee ku aadan di u dhiska dalka iyo xaqiijinta higsiga 2016-ka.

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha C/wali wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey in loo baahan yahay in awooda dhan laysugu geeyo taaba galinta howlaha qorshaysan ee lagu gaarsiinayo dalka doorashooyin xorr ah oo ka dhaca sanada 2016.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post