Home.Warka

Xildhibaan Dalxa oo ka badbaaday isku-day dil.

Like Tweet Pin it Share Share Email

Dalxa

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa maanta ka badbaaday isku-day lagu dili rabay, waxaana weerarka ku dhintay labo qof oo isugu jiray darawalkiisa iyo askari ka mid ahaa ilaaladiisa.

Guddoomiyaha degmada Xamar-jajab, Axmed Cusmaan Dhoorre, ayaa  xaqiijiyay dhacdada, wuxuuna sheegay inay ka dambeeyeen rag hubeysan oo watay gaari, kuwaas oo aan la aqoonsan haybtooda.

Axmed ayaa tacsi u diray ehelada iyo asxaabta labada qof ee lagu dilay weerarka.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka, sidoo kale ma cadda sababta rasmiga ah ee loo bar-tilmaameedsaday xildhibaanka.

Shan xildhibaan ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho tan iyo billowgii sanadkan.

 

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *