Banaanbax looga soo horjeeday Madaxweynaha Somalia oo maanta ka dhacay Magaalada

men

Waxaa Maanta Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo, ka dhacay dibad bax balaaran oo looga soo horjeeday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud laguna taageerayay R/Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cabdi Wali Sheekh Axmed.

Boqolaal dadweyne ah ayaa maanta isugu soo baxay Magaalada Garbahaarey kuwaa oo ku qeylinayay ereyo ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xildhibaanada Mooshinka ka gudbiyay R/Wasaaraha Soomaaliya.

Qaar kamid ah Dadweynihii ka hadlay Dibad baxa ayaa sheegay in Madaxweynaha uu ka shaqeenayo dib u dhaca dalka , waxa ayna ku eedeeyeen Madaxweynaha in isagu yahay qofka aan lala shaqeyn Karin oo mar walbo abuuraya Khilaafka.

Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale muujinayay taageerada ay u hayaan R/Wasaaraha Soomaaliya , waxa ayna ku baaqeen in Baarlamaanka ka laabtaan mooshinka laga gudbiyay R/Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cabdi Wali Sheekh Axmed.

Banaanbaxan ayaa imaanaya xili meeshii ugu xumaa marayo Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya iyo R/Wasaaraha , waxa ayna Xildhibaano katirsan Baarlamaanka gudbiyeen Mooshin lagu ridayo Xukuumada Soomaaliya.

Share this post

Post Comment