Cabdalla Yuusuf Hanuuniye oo maanta si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho

han_1

Fanaanka Soomaaliyeed ee Caanka ah Cabdalla Yuusuf Hanuuniye ayaa maanta kasoo dagay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde , waxaana Fanaanka kusoo dhaweeyay Gudaha Garoonka Fanaaniin iyo dadweyne kale ay ku jiraan eheladiisa.

Cabdalla Yuusuf Hanuuniye oo ah Heesaa marna Abwaan Heesaha Curiya si weyna looga yaqaan Gayiga Soomaaliya ayaa kusoo laabtay magaalada Muqdisho uu ka maqnaa sanado badan , waxa uuna mudooyinkii dambe Fanaanka kunoolaa Dalka Denmark.Fanaanka ayaa markii uu kasoo dagay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde waxaa laga dheehanayay xiiso badan uu u ayq dhulkiisa hooyo in uu kusoo laabto, waxa uuna aad ugu faraxsanaa in uu maanta kusoo laabto Magaalada Muqsisho oo mudo badan uu ka maqnaa.
han_2
“Qiiro Ayaan isla Celin Waayay Wax anan Garan ayaa jirkeyga Dibaaxiyay mana garan karo shucuurteyda maanta maadaama aan in muddo ah ka maqnaa dalkeeyga hooyo”Ayuu yii Alfanaan Hanuuniye.Magaalada Muqdisho waxaa mudooyinkii dambe dib ugu soo laabanayay Fanaaniin caan ah kuwaa oo dalka in mudo ah ka maqnaa, waxa ayna inta badan Fanaaniintan marka ay Caasimada yimaadaan ay qaadaan Heeso Wadani ah ay ku cabriyaan marxalada dalka.

Share this post

Post Comment