Guddoomiye ku-xigeenkii degmada Howlwadaag oo la dilay.

Maleeshiyo-hubeysan

Guddoomiye ku-xigeenkii arrimaha bulshada ee degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir ayaa saaka lagu dilay magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa  sheegay  in rag hubeysan oo watay gaari ay rasaas ku fureen gaariga uu watay marxuumka, kuwaas oo goobta ka baxsaday kaddib markii ay falka dilka ah geysteen.

Waxaa sidoo kale weerarka lagu dilay darawalkii mas’uulka la dilay iyo labo qof oo rayid ahaa. Waxaa sidoo kale dhacdada uu dhaawac ka soo gaaray ilmo yar oo ay haleeshay rasaastii ay fureen raggii weerarka geystay.

Waa weerarkii saddexaad oo noociisa ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho wax ka yar 24 saac.

Taliyihii waaxda socdaalka ee garooka diyaaradhaa Muqdisho ayaa shalay lagu dilay weerar noocaan oo kale ah, halka mid kale la rabay in lagu dilo xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, balse wuu ka badbaaday qorshaha lagu qaarijin rabay, walow lagu dilay darawalkiisa iyo askari waardiyeynayay asaga.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post