Nin mayd la mooday oo qufac lasoo kacay ka hor inta aan la aasin

untitled

Zakariyah Kasaga oo 38-jir ahna Kaluumeysatadda deggan Degmadda Rakai ee dalka Uganda ayaa Fajac ku abuuray qoyskiisa iyo dadka deegaanka, kadib, markii isagoo loo qaatay inuu geeriyooday bilaabay inuu qufac labo saac ka hor inta aan iilka la dhigin.

Zakariyah Kasaga oo muddo dheer Bukaan ah ayaa waxaa Jimcihii hore la sheegay inuu geeriyooday abaarihii tobankii barqanimo.

Maydkiisa ayaa waxaa lagu daboolay bustooyin iyo marooyin kale, waxaana Gurigiisa soo buux dhaafshay saaxiibadiisa si ay u soo tacsi gutaan, ugana qeyb gaalaan aaskiisa.

Muddo labo maalmood ayey qaadatay inuu maydka guriga yaallo sababo dhinaca dhaqaalaha oo reerka aad u liitay.

Waxay qoyska maydka guriga u yaallay daahsadeen Qaraabo kale oo deggan Tuulladda Kabinda ee Degmadda Rakai, oo iyagu la filayey inay kharaj kaalmo ah soo gaarsiiyaan.

Laakiin Familka waxay go’aansadeen inay maydka u kireeyaan Mooto oo ay dadka Uganda u yaqaanaan Bodabooda motorcycle,si loo geeyo Tuulladda Kabiira oo lagu aasi lahaa.

Dareewalkii waday mootadda oo ay ka daba lugeynayeen dad yar oo maydka la socday ayaa waxa uu Dareewalkii dareemay maydka oo dhaqdhaqaaqayo, waxaana uu markii dambe maqlay isagoo maydkii qufacayo.
Dareewalka mootadda ayaa joojiyey mootaddii, isagoo aan gadaal gadaal eegaynin.

Dadkii mootadda ka daba lugeynayey ayaa dul yimid mootadii, waxayna arkeen maydka keliya ku dhex jiro mootadda oo jidka dhinaciisa la dhigay.

Markay arkeen inuu maydkii qufacayo ayey naxdin darteed u kala yaaceen.

Si kastaba, 20-daqiiqo kadib, dhowr geesiyaal ka mid ah dadkii la socday maydka ee firxaday ayaa dib u soo laabtay, si ay u baaraan haddii maydka oo la oran jirey Zakariyah Kasaga weli nool yahay.

Waxay ogaadeen inuu nool yahay, waxayna u yeereen Boliska Degmadda Ksensero, iyadoo ninkii maydka la mooday loo qaaday Isbitaalka Kalisizo.

Isaac Mugera oo ah Sarkaal ka tirsan Saldhigga Boliska ee Kasensero ayaa sheegay inuu gaarigiisa ku qaaday Ninkii maydka la mooday, oo geeyey Isbitaalka, si loo badbaadiyo noloshiisa.

Zakariyah Kasaga hooyadiisa oo lagu magacaabo Elvania Tebasulwa ayaa sheegtay inuu tabar daran yahay, isla markaana ay ku adag tahay inuu si fudud u neefsado.

Waxay sheegtay inuu haatan wiilkeeda ku jiro Qeybta Daryeelka Gaarka ee Isbitaalka, isla markaana ay dhinac fariisato Sarriirtiisa, si ay u daryeesho.

Maamadaasi waxay faahfaahin ka bixisay inay mar hore wiilkeeda u qodeen qabrigiisa, isla markaana ay cunto u karisay dadka u imaanayey Tacsida.

Laakiin markii ay maqashay inuu wiilkeeda nool yahay ayey dadkii farxad darteed u wada cuneen cuntaddii tacsi ahaanta loo diyaariyey.

“Waxaan barooranaynay dhowr maalmood, laakiin, haatan waxaan helnay war fiican, waxaan si farxad leh u cunay cuntadda” ayey tiri Maamadaasi.

Gereshom Kalemeera oo ka mid ah dadka ugu da’da weyn Tuulladda Kabinda ayaa sheegay inay Ilaahay mahadiisa tahay inuu weli nool yahay Zakariyah Kasaga.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post