Warar dheeraad ah oo kasoo baxaayo dilal kala duwan oo maanta ka dhacay Gobolka Bay

 

imagesVOEK01IB

Wararku waxa ay Tilmaamayaan in Kooxda Al shabaab ay Maanta Duleedka Baydhobo ku toogteen Labo Qof oo la sheegay inay kamid ahaayen dadka deegaankaasi ku nool.

Labada Qof oo midkooda ahaa Darwal Gaari ayaa waxaa ay ku dhinteen Rasaas ay Al shabaab ku fureen Gaari Rakaab ah oo kasoo baxay duleedka Magaalada kuna soo wajahnaa Magaalada Muqdisho, iyadoo aan wali la ogeyn Sababta Arintaasi ka danbaysa.

Sidoo kale, wararku waxa ay intaa kusii darayaan in goortii la weeraraayay Gaariga uu marayay Wadado ku dhaw Deynuunaay,waxaan la socday Dad badan oo gaaraya 18 Ruux oo Muqdisho kusoo socday.

Dhanka kale, Al shabaab waxa ay dilal noocaasi ah Maanta u geysteen Dad kaloo Rayid ah kaasi oo ka dhacay Deegaanka Awdiinle oo 20Km u jira Baydhobo, kadib markii ay Deegaankaasi oo Ciidamada DFS joogaan Weerar ku qaadeen

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post