Jarmalka oo Soomaaliya ka caawinaya mashaariic horumarineed.

images

Mas’uuliyiinta wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho kula kulmay wadi uu hoggaaminayay wakiilka wasaaradda horumarinta dhaqaalaha ee Jarmalka u qaabilsan Geeska Afrika.

Prof. Cabdullaahi Sheekh Cali (Qalloocow) oo ka tirsan golaha wasiirrada ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Bar-kulan u sheegay in wafdiga ay ka wadahadleen sidii loo hirgelin lahaa heshiis dhaqaale oo 1979-kii dhexmaray dowladihii Soomaaliya iyo Jarmalka.

Lacag dhan 36 milyan oo Euro ayaa la sheegay inay ka hartay lacag dowladda Jarmalka ay Soomaaliya ugu deeqday 1979-kii, taasoo hadda la rabo in lagu fuliyo mashaariic horumarineed.

Qalloocow ayaa tilmaamay in mas’uuliyiinta Jarmalka ay isla garteen in lacagta lagu maalgaliyo mashaariic ay ka mid yihiin helista biyo nadiif ah, dib-u-dhiska wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, dugsigii tababarka iyo horumarrada kale ee muhiimka u ah bulshada.

Wuxuu xusay in lacagta ka imaanaysa dowladda Jarmalka sidoo kale lagu fulin doono mashruuc dib loogu habeynayo kannaallada iyo biyo-xireennada gobolka Shabeellaha dhexe.

Share this post

Post Comment