Home.Warka

Weerar Gaadmo ah ooka dhacay inta u dhaxeeyso baraawe iyo Marka

Like Tweet Pin it Share Share Email

amisom2

Wararka ka imaanaya Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta Kolonyo katirsan Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay jidka u galeen Dagaalyahano katirsan Xarakada Al-Shabaab .

Ciidamada Huwanta ah ayaa weerar isugu jira Qaraxyo iyo dagaal toos ah waxa ay kala kulmeen Dagaalyahano katirsan Xarakada Al-Shabaab xili ay mareen wado isku xirta Magaalooyinka Baraawe iyo Marka.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Qarax miino oo wadada dhinaceeda lagu aasay uu ku qarxay gaari kamid ahaa Kolonyada Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM , waxaana xiligaa kadib halkaasi ka qarxay dagal xoogan oo socday ku dhawaad saacad kaa oo u dhaxeeyay Ciidamada Huwanta iyo Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab.

Kolonyada Ciidamada Dowlada ee la weeraray waxaa la socday taliyaha Milatariga Guutada Saddexaad Maxamed Jimcaale Goobaanle. Waxaana Wararka ana helnay sheegayaan in Sargaalkan uu ka badbaaday Weerarkaasi lagu qaaday.

Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in weerarka iyo qaraxa lala eegtay uu kasoo gaaray Qasaarooyin kala duwan , waxaa sidoo kale Wararku sheegayaan in Ciidamada Dowlada uu gaari kaga gubtay qaraxa lala eegtay.

Dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab ayaa inta badan deegaanada laga saaro waxa ay ka fuliyaan Weeraro gaadmo ah ay ku qaadaan Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM , waxaana weeraradaasi ka dhasha qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *