Madaxweynaha Jabuti Geelle oo Xassan Sheekh Su'aalo ka weydiiyay waxyaabaha uu ku maagay R/W C/weli

 

Djibouti_Hassan201212Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud oo gaaray Magaalada Jabuuti ee Cariga dalka Jabuuti ayaa waxa uu Aqalka looga arimiyo dalkaasi kulan aan caadi aheyn kula qaatay dhigiisa dalka Jabuuti oo ay kawada hadleen Khilaafka labada mas’uul u dhexeeya.

Madaxweyne Geelle ayaa la Tilmaamayaa in soo dhaweyn kadib uu Madaxweyne Xassan wax ka weydiiyay Khilaafka iyo heerka uu gaarsiisan yahay, waxaana Xassan sheekh Su’aalaha la weydiiyay kamid ahaa Sababta keentay in Khilaafkooda uu heerkaan gaaro iyo danaha gaarka ee laga damacsan yahay inuu sii baaho.

Madaxweyne Xassan ayaa si qoto dheer dhigiisa ugu bayaaniyay Khilaafka, Inkastoo loogu baaqay inuu qaato xal, ka hor inta uusan majax-xaabin Xukuumada, si meesha looga saaro madmadowga.

Madxaweyne Geelle waxaa lugu sheegaa inuu ka mid yahay madaxda Afrika ee sida dhow ula socota siyaasada Soomaalida,mana jirto cid faahfaahisay natiijada kulanka gaar ka ah ee labada madaxweyne.

Xiriirka labaa dhinac iyo sii socoshada iskaashiga Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa qayb ka ahaa arrinta ay ka hadleen madaxweyne Xasan iyo Geelle,waxaana ay isku afgarteen in ay ka wada shaqeeyaan horumarinta dalka.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socda ayaa goor dhaweyd ka ambabaxay dalkaasi Jibuuti iyagoo ku sii jeeda magaalada Cobenhegan ee dalka Denmarka.

Share this post

Post Comment