Ciidamada Maamulka Somaliland oo qabtay Idaacad Jahawareerisay Maamulkaasi mudo badana Baadi goob loogu jira

Radio banned

Ciidamada Booliiska Maamulka Somaliland ayaa xalay gacanta ku dhigay Idaacad FM ah oo xiliyada habeenkii si weyn looga dhageesan jiray Magaalada Hargeysa , waxaana Idaacadan mudo baadi goob ugu jiray Ciidamada Amaanka.

Taliyaha Booliska Somaliland Jen. C/llaahi Fadal Iimaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada Booliiska gacanta ku dhigeen Idaacad si sharci daro ah uga hool galeysay Magaalada Hargeysa mudo badana baadi goob loogu jiray.

Idaacadan FM-ta ah ayaa mudo shan bilood waxa ay si qarsoodi ah uga howlgaleysay Magaalada Hargeysa , waxa ayna Idaacadan inta badan soo gali jirtayXiliyada Habeenkii iyadoona dhoor saacadood ay hawada ku jiri jirtay.

Howlgal ay ciidamada ammaanka xalay ka sameeyeen xaafada October ee magaalada Hargeysa ayey ugu suurto gasho baaris dheer kadib in aysoo qabtaan Idaacada FM-ta iyo dhoor qof oo xiligaasi ka howlgalayay.

Somaliland ayaa inta badan cadaadis saarta Saxaafada Madaxa banana ee ka howlgasha Deegaanada Maamulkaasi , waxaana ku yar Deegaanada Somaliland Idaacadaha iyo Telefishinada Madaxa banaan .

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post