Home.Warka

Injineer u shaqeenayay Maamulka Gobolka Banaadir oo Goordhaw lagu dilay Magaalada Muqdisho

Like Tweet Pin it Share Share Email

Canshuur

Kooxo Hubeesan oon wali heebtooda la garan ayaa goordhaw agagaarka Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen Nin Injineer ah oo la sheegay in uu la shaqeenayay Maamulka Gobolka Banaadir.

Injineerka la dilay ayaa Magaciisa lagu sheegay Eng.Cabdullaahi Cali Canshuur , waxa uuna dhinaca Dhismaha u qaabilsanaa Dowlada Hoose ee Xamar, Wararka aan heleyno ayaana sheegaya in markii la dilay kadib Injineerka in la qaatay gaarigii uu watay.

Wali si rasmi ah looma oga cida ka dambeysay dilka Goordhaw Magaalada Muqdisho loogu geestay ninkan Injineerka , waxaana socda Howlgalo ay wadaan ciidamo katirsan Dowlada oo baadi goob ugu jira kooxihii dilka geestay.

Falalka amana daro ee isugu jira dilalka iyo qaraxyada ayaa mudooyinkii dambe kusoo kordhayay Magaalada Muqdisho , waxaana qaraxyadii iyo dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho lagu dilay dad u shaqeenayay Dowlada Soomaaliya.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *