Home.Warka

Nicholas Kay oo farriin niyad jab leh gaarsiiyey ra’iisul wasaare C/Weli!..

Like Tweet Pin it Share Share Email

&MaxW=640&imageVersion=default&AR-140429987

Sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah oo ku dhow ra’iisul wasaare Cabdi Weli Sheekh Axmed, waxaa sii daciifaya rajadii laga qabay in beesha caalamka ay bad baadiso xilkiisa, xilli uu jiro cadaadis xooggan.

Sarkaal ka tirsan xafiiska Cabdi Weli ayaa sheegaya in kullan albaabada u xiran yahay uu Cabdi Weli la qaatay wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Nicholas Kay, kaasi oo sida la sheegay ku war-geliyey Cabdi Weli inay yar tahay rajada laga qabo inuu xilka sii hayo.

Kay waxa uu Cabdi Weli u sheegay in beesha caalamka ay si buuxda u taageersan tahay, hase yeeshe haddii Xasan Sheekh laga soo fujin waayo mowqifkiisa ay adkaan doonto inuu xilka sii hayo.

Nicholas Kay, ayaa lagu warramay inuu Cabdi Weli u sheegay inay suurtagal ay tahay in Beesha caalamka ay go’aano degdeg ah kasoo saarto arrimaha murugeysan ee dalka ka taagan.

Lama yaqaan nooca uu noqon doono go’aankaas, hase yeeshee sida ay wararka sheegayaan ma jirto wax tallaabo ah oo beesha caalamka ay ka qaadi karto madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana suurta gal ah inay beddelaan mowqifkooda una sheegaan in Cabdi Weli is-casilo.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *