Home.Warka

Buri oo si adag uga digay in Safaaradaha iyo Xafiisyada Wasaarada uu saameeyo Khilaafka president Xassan iyo C/weli

Like Tweet Pin it Share Share Email

Buri’-Mohamed-Hamza-Allsomali24-com

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Buri’ Mohamed Hamza ayaa ku booriyay agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda iyo Safiirada Soomaaliya inay dardar geliyaan howlaha qaranka ay u hayaan oo aanu saameyn khilaafka ka dhexjira dowladda Federaalka Soomaaliya.

Buri’ Mohamed Hamza oo kulan degdeg ah isugu yeeray Kusimaha Xoghayaha Joogtada , agaasimayaasha waaxyaha iyo Lataliyeyaasha Wasaaradda ayaa sheegay inay muhiim tahay horumarinta shaqada , xoojinta iskaashiga iyo la xisaabtanka Safaaradaha iyo Qunsuliyadaha guud ee Soomaaliya ay ku leedahay dibadda .

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa uu yiri “ waxaad tihiin shaqaale joogta ah oo u xilsaaran hagidda howlaha qaranka ee dibadda , waxaa la idinka doonayaa inaad fududeysaan adeegyada iyo iskaashiga idinkala dhaxeeya Wasaaradaha kala duwan ee dowladda , Xafiisyada Ururada , hey’adaha iyo Safaaradaha shisheeye ee ka furan dalka Soomaaliya”.

Kulankan oo aragtiyo kala duwan la isku dhaafsaday ayaa ku soo idlaaday jawi guul ah.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *