Majaajiliisti Cabdi maxamed Ilkacase oo sunta lasiiyey lasoo heley ruuxii ka gaday

ilkacase

Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Geeridii naxdinta laheyn ee ku timid Allaha u naxariistee Cabdi Maxmed ilkacase.

Gudoomiyaha Degmadda Boondheere oo la hadlay Warbaahinta Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Dawooyin sun ah oo la siiyay Mabdi Maxmed ilkacase iyo Nuur Muudey Cabdi.

Gudoomiyaha oo u waramaayay Idaacada dalsan ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu Tilmaamay inay baaritaan ku sameeyen Hooyga iyo goobta uu ku geeriyooday Ilkacase, waxa uuna sheegay inay qabteen Dawooyin Sun ah oo sababay geerida Majaajiliistaha iyo Nuur Muudey Cabdi oo isna garaab ah, kadib markii ay is ticmaalen Dawo sun aheyd.

”Waxaa Ilka Case la geeriyooday ruux kale, waan aragnay waxyaabihii u sababta ahaa Deerida, waxyaabihii ka haray waxa ay cabeen waxan ku wareejinay Boliska. waxan qabanay kii dhaawaca garaabka ahaa waxa uu inoo sheegay in Suntaani ay kasoo gateen Farmashiyo ku yaalla Degmada Xamar weyne wan tagnay waxaana kasoo qabanay Milkiilihii iyo ruuxii iibiyay Dawooyinka sunta ahaa waxaana hada ku socda baaritaano”

Dhanka kale, waxa uu sheegay in baaritaanka uu intaa kasii badan yahay islamarkaana ay soo bandhigi doonaan wixii dheeri ah.

Share this post

Post Comment