Mas'uuliyiintii ugu sareysay Maamulka Baraawe oo Xabsiga la dhigay iyo warar kasoo baxaayo

6b3b2c24b543023ec8c3e5759c663944

Wararka ka imaanaya Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada Federaalka ah ee Somalia ay xireen Gudoomiyaha Magaalada Baraawe.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Gudoomiyaha lala xiray Saraakiil ay kamid yihiin ,Taliyaasha Ciidamada Nabad Sugida,Booliska iyo Milatariga.

Ujeedka ka danbeysay xariga Gudoomiyaha iyo Saraakiisha ayaa lagu sheegay inay tahay xatooyo ay u
geysteen Maamulka, kadib markii ay si qarsoodi ah ku dhoofiyeen Dhuxulo la mamnuucay dhoofinta.

Xariga Mas’uuliyiintaani ayaa kusoo beegmeyso xili Dowladda Federaalka Soomaaliya ay horay dhowr Jeer u mamnuucday dhoofinta dhuxusha oo ay u aqoonsatay in lagu maalgalinaayo Kooxda Alshabaab.

Dhnaka kale, Xarigaani ayaa waxa uu noqonayaa kii ugu horeeyay oo ay Dowlada Federaalka ka fuliso Baraawe tan iyo markii halkaasi laga saaray Alshabaab.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post