Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ogolaaday in Wadahadal lagu dhameeyo Khilaafka kala dhaxeeya R/Wasaaraha!!

523056579_17367923

Warar lagu kalsoonaan karo oo laga helayo Xubno ku dhaw dhaw Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu ogolaaday in Wadahadal lagu dhameeyo Khilaafka u dhaxeeya isaga iyo R/Wasaaraha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku guul dareestay qaabab badan uu qorsheenayay in uu kaga adkaan karo meeshana uga saari karo R/Wasaaraha Soomaaliya, waxaana fashilkii ugu dambeeyay uu kasoo wajahay Kulamada Baarlamaanka kadib markii ay xildhibaano Is hortaageen Mooshinkii lagu ridi lahaa R/Wasaaraha.

Sida Wararka ku heleyno Madaxweynaha iyo Xubnaha ku dhaw dhaw ayaa isla garawsaday in ay la galaan Raizul Wasaaraha wadahadal maadaama lagu fashilmay qaababkii la doonayay in meesha looga saaro Ra’izul Wasaare Cabdi Wali.

Xubno katirsan Dowlada iyo Beesha Caalamka ayaa la filayaa in durba maanta bilaabaan sidii ay kala dhax gali lahaayeen Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha oo markii hore adkaatay in arintooda lagu dhameeyo wadahadal.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si weyn uga soo horjeeday in uu wadahadal la furo R/Wasaaraha Soomaaliya waxa uuna ku adkeesanayay Xasan Sheekh in xalka arintooda loo daayo Baarlamaanka ayna ku kala bixi doonaan Codka Baarlamaanka isaga iyo R/Wasaaraha.

R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in wadahadl lagu dhameeyo Khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya isaga iyo Madaxweynaha , waxa uuna marar badan ku baaqay in Khilaafka si hoose lagu dhameeyo balse aan Baarlamaanka loo gudbin.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha ayaa gaaray halkii ugu xumeed, waxaana adkaatay in xal laga gaaro Khilaafkan iyadoona Baarlamaanka Soomaaliya oo laga sugayay xal ka gaarida arintan ay ku guul dareesteen in ay Xaliyaan Khilaafka labada Masuul in ay uga sii daraan mooyee.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post