Ciidamada Militeriga oo laga saaray Xarumo Ciidan oo ay kaga sugnaayen Yaaqshiid iyo Hiliwaa

_71865153_milreutsomalisWarar hordhac ah ayaa sheegaya in Xaruumihii ay ku sugnaayeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ka tirsan degmooyinka Yaaqshiid iyo Hiliwaa ayaa lagu wareejiyay Ciidamada Nabas sugida iyo sirdoonka iyo ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Wararku waxa ay sheegayaan in maanta Xarumahaasi si rasmi ah loogu wareejiyay Ciidamadaasi, waxaana la sheegayaa inay kamid ahaayen Xirooyinka Maslax, Warshada Nac Nac iyo xaruuma kale.

Sidoo kale, Xaflad lagu qabtay warshada Nac naca ee Suuqa Xoolaha oo xaruumahaasi lagula wareejinayay hey’adaha ammaanka ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Gen C/raxmaan Maxamed Tuur yare, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe, Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen C/risaaq Khaliif Cilmi, Guddoomiyaha gobolka Banaadir Gen Xasan Maxamed Xuseen Muungaab , iyo taliyaha Ciidanka Boliiska Gobolka Banaadir Gen Madaale.

Dhanka kale, waxa ay xil wareejintaani ka dambeysay iyadoo wali goobahaas ay joogaan ciidamada ka socda Afrika ee AMISOM, mana muuqato goorta ay ka bixi doonaan goobahaas.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post