Home.Warka

Maxaad kala soctaa sida uu yahay Jawiga Caawa Maadaxtooyada Somalia

Like Tweet Pin it Share Share Email

 

MadaxtoyyadaIyadoo uu dhowr jeer fashilmay Kulankii Baarlamaanka lagu hor dhigi lahaa Mooshinka Ra’isulwasaare C/weli, ayaa waxaa Caawa uu kulamo arrintaasi Khuseeya ka dhacayaa Xarunta looga arrimiyo Dalka.

Sida laga soo xiganaayo mid kamid ah Xildhibaanada halkaasi ku sugan, ayaa waxa uu Tilmaamayaa in kulanka uu yahay mid gooni gooni ah, islamarkaana u dhexeeyo Wasiiro, Xildhibaano iyo Xubno kale oo ka tirsan Dowlada Madaxweyne Xassan Sheekh.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa gorfeyn lagu sameynaayo Mooshinka Maalinta bari ah lagu qeybin doono Mooshinada iyo kaalinta Madaxweyne Xassan kaga aadan.

Sidoo kale, waxaa la soo sheegayaa in kulan kaasi ka dhan ah u isla Madaxtooyada ka socdo, kaasi oo ay wada qaadanayaan Xildhibaano dhowr ah oo taageersan R/wasaare C/weli waxa uuna jawigu yahay mid degan oo leysu weydaarsanaayo Arrimaha Khilaafka iyo bad-baadinta dalka, walow ay labada Mas’uulba ka go’an tahay in midkood uu midka kale qarka ka tuuro.

Dhanka kale, kulamadaani ayaa waxa uu kusoo beegmayaa Xili uu Ra’isulwasaare C/weli Sheekh Axmed war-murtiyeed kasoo saaray Khilaafka kala dhexeeyo Madaxweynaha iyo Mooshinada, halka sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka uu isaguna dhawaan soo saaray Go’aano adag oo ku saabsan Fashilada is xig-xiga ee ku imaanaya Mooshinka iyo Xildhibaanada qaska wada

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *