Hub ka kooban dhowr nooc loo waday Maamulka Khatumo oo gacanta lagu dhigay iyo warar kasoo baxaayo

Gun-sales

Wararka ka imaanayo Deegaanka Galinsoor ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamada Ammaanka ay gacanta ku dhigeen Hub ka kooban dhowr nooc oo loo waday Maamulka Khaatumo State.

Hubkaani oo u badnaa noocyada culus, ayaa waxaa gacanta ku dhigay Ciidamada Maamulka Galmudug ee Deegaankaasi, waxaana la sheegayaa inuu saarnaa Gaari Candho-meydle ah.

Mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada Maamulka ee Deegaanka Galinsoor ayaa Warbaahinta Magaalada Muqdisho u Cadeeyay in Hubka lagu soo dhax qariyay Gaariga islamarkaana uu iskugu jiro Qoryaha Lidka Diyaaradaha iyo Jiib.

Sidoo kale, Sargaalkaani oo hadalkiisa sii watay, ayaa waxa uu Xusay in Hubka loo waday Maamulka Khaatumo,waxaana uu Daboolka ka qaaday in Hubka Al-shabaab laga iibiyay lana doonayay in Khaatumo loo gudbiyo.

Dhanka kale, waxaa arrintaasi beeniyay Maamulka Khaatumo, waxa ayna sheegen inuusan jirin Hub dhankooda loo waday oo laqabtay.

Share this post

Post Comment