Home.Warka

Daawo Sawirada Ninkii Soomaaliga ahaa ee Wiilka yar ku dilay Dalka Mareykanka oo la sheegay in uu Waalnaa

Like Tweet Pin it Share Share Email

Ehelada iyo Qoyska uu ka dhashay Axmed Aden oo ahaa ninkii Khamiistii lasoo dhaafay magaalada Kansas ku dilay wiil Soomaali ah oo 15 sano jir ah ayaa sheegay in Axmed uu ku dhacay xanuunka dhimirka.

Hooyada dhashay Axmed Aden oo oo lagu Magacaabo Xaawo Cabdullahi kuna nool magaalada Minneapolis oo wareysi siisay Wakaalada wararka ee AP ayaa sheegtay in wiilkeeda sanadkii 2012 laga helay cudurka dhimirka ee (schizophrenia).

kans_1

Cudurka schizophrenia oo ah mid halis ah oo la kala dhaxlo ayaa qofka u ku dhaco maqlayaa codod aan jirin ama arkayo waxyaabo aan jirin, ayaa ah mid aan laga biskoon balse qofka uu ku dhaco laga rabo inuu isticmaalo daawooyin si joogto ah.

Qofka cudurkan schizophrenia uu ku dhaco ayaa miirkiisa caadi noqda marka uu qaato daawooyinka, hadii uu joojiyona dib ayuu ugu soo noqdaa, taasi ayaa keentay in Soomaalida qaarkood cudurkan u yaqaanaan JINNI.

Sanadkii 2011, Axmed Aden ayaa horey loogu xiray magaalada Minneapolis kadib markii uu isku dayey inuu dab qabadsiiyo xarun uu horey uga shaqeyn jiray. Ninkan ayaa shaqadiisii hore laga eryey kadib markii laga shakiyey inuu waalan yahay.

kans_2

Axmed ayaa isbitaalka la jiifiyey kadib markii lasoo qabtay xili uu weerar ku qaaday xarun kale isagoo sheegaya “…In illaahay usoo diray dadka halkaas joogay…”wuxuuna ku dhawaaqayey “…Nabad iyo Cadaalad…”

Maxkamada Minneapolis ayaa ku xukuntay in si khasab ah lagu siiyo daawada loo qoray isla markaana isbitaalka ayaa la jiifiyey.

Hooyada dhashay Axmed ayaa sheegtay inay dhowr mar damacday in wiilkeeda isbitaal lagu hayo, balse uu kasoo guuray magaalada Minneapolis isagoo aan cidna u sheegin, wuxuuna joojiyey daawooyinkii loo qoray.

Axmed hooyadiis ayaa tacsi u dirtay qoyska wiilkii Cabdisamad Shiikh Xuseen oo ahaa 15 sano jir xaafidul quraan ah, wuxuuna Cabdisamad u dhintay dhaawacyo soo gaaray kadib markii Axmed Aden uu gaarigiisa jiirsiiyey.

kans_3

Axmed Aden ayaa markii hore sheegay in shilkan uu dhacay kadib markii uu xakameyn waayey gaarigiisa, balse markii danbe u sheegay Booliiska in uu Cabdisamad u maleenayey qof ay horey isu dagaaleen.

Baaritaanka dilkan ayaa waxaa gacanta ku haya hay’ada danbi-baarista ee FBI, iyadoo la baarayo inuu falkan salka ku hayo diin naceyb ama Islaam naceyb.

Axmed Aden ayaa la sheegay in muddooyinkii lasoo dhaafay uu aflagaado iyo handadaad ku hayey Soomaalida tagta Masaajidka Kansas City isagoo gaarigiisa kusoo qoray erayo Islaamka lidi ku ah.

Xaawo Cabdullahi oo ah Hooyada dhashay ninkan dilka loo heysto ayaa sheegtay inuu wiilkeeda uu yahay Muslim balse uu yahay nin aamiirkiisa aan joogin oo u baahan daawo.

quran

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *