Cabdullaahi Goodax Barre oo sheegey Qaxooti Soomaliyeed ineey Kenya kasoo guurayaan

B261B594-DC5F-4F79-976C-F366AF5EC5F3_w640_r1_cx14_cy0_cw63_s

Sii haayaha wasaarada Arrimaha Gudaha Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre oo Khudbad ka jeediyay Munaasabad maanta ka dhacday xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu daboolka ka qaaday in Dowlada Federaalka ah ay la tacaaleyso sidii loo badbaadin lahaa Qaxootiga dalka dib ugu soo noqonaayo maalmaha soo socdo.

Cabdullaahi Goodax Barre ayaa waxa uu Khudbadaasi ka horjeediyay Saraakiil ka tirsan Qaramada Madoobay ee ku sugnaa Xerada Xalane waxa uuna sheegay Goodax in Tirada Qaxootiga lagu soo celinaayo Muqdisho iyo Gobolada dariska la ah ay aad u badan yihiin islamarkaana aysan Dowlada kaafin karin maareyntooda.

Inta ay Munaasabada soctay ayaa waxa Goobta laga shaaciyay in Hey’ad cusub oo la sheegey in ay qaabilsantahay dib u dajinta qaxootiga Soomaalida kasoo laabanaya wadamada ay qaxootiga ku yihiin, sida Kenya ay ka howlgali doonto dalka.

Sii hayaha wasiirka arrimaha gudaha Cabdullaahi Goodax Barre oo hey’adani ay wasaaradani hoos imaaneyso, wuxuuna sheegey in illaa 10 kun oo qaxooti Soomaaliyeed ah oo xerooyinka Kenya ku jira ay go’aansadeen in ay dalka dib ugu soo laabtaan.

Goodax oo hadalkiisa siiwatay ayaa waxa uu sidoo kale sheegey in lacag dhan illaa 5 malyuun oo lacagta Yuuro (Euro) loo balanqaaday in dowladda Soomaaliya lagu siinayo si ay dib u dajin ugu sameyso qaxootiga soo laabanaya, wuxuu intaasi ku daray in deegaanada ay imanayaan ay ka midyihiin kuwa Jubbooyinka, Gedo iyo Bay.

Si kastaba ha ahaatee, Maalmo ka hor ayey aheyd markii dalka laga soo dajiyay Qaxootigii ugu horeeyay oo kasoo laabtey xerooyinka qaxootiga Kenya.

Share this post

Post Comment