Dagaal faraha looga gubtay oo maanta ka dhacay Buuraha Galgala iyo Ciidamo laga dilay Puntlan, Alshabaab

kenya-al-shabab-10-things

Wararka ka imaanaya Gobolka Barri, ayaa sheegaya in halkaasi ay kuwada dagaalameen Ciidamada Maamulka Puntland iyo Kooxda Alshabaab.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa la sheegayaa inuu socday ku dhawaad Saacad iyo bar, iyadoona uu ka dhashay Khasaaro kala duwan oo soo kala gaaray dhinacyada uu dagaalka u dhexeeyay ee Puntland iyo Alshabaab.

Qoraal lagu soo daabacay Warbaahinta Al-shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalka Galgalla lagu dilay 4 Askari oo ka tirsan Ciidamada Maamulka Puntland, sida laga soo xigtay Warbaahinta ku hadasha Afka alshabaab.

Sidoo kale, dagaalkaasi waxan weli ka hadlin Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland, iyadoona dagaalka uu ahaa mid ka dhacay Buuraleyda Galgalla.

Lama sheegin Khasaaraha dagaalkaasi kasoo gaaray Kooxda Alshabaab, balse warar hoose waxa ay tilmaamayaan in dagaalkaasi looga dilay ilaa Shan askari.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post