Dalka Ethiopia Magaalo ka tirsan oo laga mamnuucay Cabista iyo Xayeysiinta Sigaarka

smoking-ban

Sida ay baahiyeen Warbaahinta kasoo baxda Magaalada Adis ababa, waxaa Magaalo ku taal Waqooyiga dalka Itoobiya laga mamnuucay Cabista Sigaarka.

Wargeysyada ayaa sheegay in shacabka ku nool Waqooyiga dalkaasi lagu wargaliyay in wadooyinka iyo goobaha ay isugu imaadan Bulshada aysan ku cabi karin Sigaarka markii laga reebo guryahooda.

Sharcigaani ayaa waxaa laga soo saaray Xarunta dowlad Deegaanka Tigraay ee Makele waxaana lagu mamnuucayaa Cabista iyadoona shaqsigii lagu qabto la sheegay inuu la kulmi doono Ciqaab adag.
Goobaha laga mamnuucay ayaa waxaa kamid ah sida baaraka,hoteelada,iskuulada,isbitaalada,garoomada kubada lagu ciyaaro iyo goobaha munaasabadaha diiniga ah ka socdaan

Waxaa sidoo kale sharcigan mamnuucayaa in la xayaysiiyo sigaarka.Hadii sharcigan loo hogaansami waayo waxaa qofka jabiya sharcigan lagu ganaaxayaa lacag dhan 50 doolar halka milkiilayaasha goobahaas lagu ganaaxi doono 150 doolar.

Waa ganaax aad ubadan marka loo eego mushaarka ay qaataan shaqaalaha caadiga ah ee Itoobiya oo ka yar 40 doolar Bishii.

Dhanka kale, go’aankaani ayaa waxaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Baarlamaanka Itoobiya inkastoo sharcigaan uusan dhaqan gelin weli.

Sida ku qoran kaydka Hay’ada caafimaadka Aduunka ee WHO tobankii dhalinyaro ee Itoobiyaan ah mid baa sigaarka cabba.

Magaalada Makele oo ah xarunta qoomiyada Tigraay ayaa noqotay magaaladii ugu horaysay dalka Itoobiya ee mamnuucada sigaarka.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post