Soomali Badan ayaa beryahaan danbe buux dhaafiyey xabsiyada Yemen

Ciidamada ammaanka ee dalka Yemen, ayaa waxay maalmahaanba wadeen qab qabasho ka dhan ah Somalida ku dhaqan Magaalada Sanca ee Xarunta Yemen.
_46486447_08afp_somalia
Tani waxay ka dambeysay markii ay soo baxeen warar been abuur ah oo sheegaaya, in nin dhalinyaro oo Soomaali ah la qabtay, xilli uu xirnaa jaakadaha ka sameysan walxaha qarxa, isla-markaana uu maleygaayay weerar is miidaamin ah, oo uu ka geysto Magaalada Sanca.

Somalida ku dhaqan Magaalada Sanca, ayaa waxay dhaliil kulul ay u jeediyeen Telefishinada Aljazeera iyo Alcarabiya, oo iyagu baahiyay wararka la xiriira in la qabtay nin Soomaali ah, oo doonaayay in weerar ismiidaamin ah uu ka geysto Sanca.

Muumin Cali Geedi oo ka mid ah Odayaasha Somaliyeed ee ku nool Magaalada Sanca, ayaa wuxuu Telefishinadaasi uu ku eedeeyay inay ka masuul yihiin, dhibaatada la soo deristay bulshada Somaliyeed ee ku dhaqan Yemen.

“Halmar maaha laba mar maaha toddobo mar weeye inay warar aan jirin ka baahiyaan Somalida degan dalkaan Yemen, cid kasta oo gacan ka geysan karta, waxaan ka rabnaa inay Maxkamad soo taagto Telefishinada Aljazeera iyo Alcarabiya.” Ayuu yiri Muumin Cali Geedi.

“Dadkii wadada ayaa laga qab qabanayaa, basaska ayaa lagala degayaa. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya waxaan si xushmad leh uga dalbanayaa inay la xiriirto Safaaradda Yemen ku lee dahay Magaalada Muqdisho, kalana hadasho dhibaatada lagu haayo Somalida Yemen.” Ayuu yiri Muumin.

Ciidamada Yemen, ayaa xabsiyada Sanca ku haaya Soomaali badan oo Magaaladaasi ay ka qab qabteen.

Share this post

Post Comment