Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo dhibaato ba'an ku haya Shacabka degen Baraawe

1--BlNxOmnEU6I8Hh8TMrjIA

Shacabka ku nool degmada Baraawe ee dhawaan laga saaray Xoogaga Alshabaab ayaa qarka u saaran inay dib ula soo laabtaan taageeradii ay u muujin jireen Alshabaab, kadib markii ay dhibaato badan kala kulmeen Ciidamada dowlada gaar ahaan kuwa Militeriga.

Ciidamada ayaa lasoo sheegayaa in halkaasi ay kawadaan falal aan farxad galin shacabka halkaasi ku nool ee mudooyinkaani dambe taageero u ahaa CXD, waxaana la soo sheegayaa in Ciidamadu ay wadaan dhibaateynta Gaadiidka ka shaqeeya inta u dhaxeeysa Muqdisho iyo Shabellaha Hoose.

Bashiir Maxamed Yuusuf, oo ah Gudoomiye Xigeenka Degmada Baraawe, ayaa dhankiisa ka sheegay in Shacabka ay Qaati ka taagan yihiin Ciidanka Militariga Dowladda Soomaaliya ee baada sharci darada ah ka qaata gaadiidka iyo dadka.

“Gaadiidlayda Cawasho Joogto ah ayay noo soo gudbiyeen, iyagoo ka cawanaya Ciidanka Dowlada Federaalka Soomaaliya ee jooga Wadooyinka Gobolka, waxaana la xariirnay Saraakiisha Ciidanka, balse wali wax lagama qaban Dhibaatada,” ayuu yiri Bashiir.

Ciidamada Milatariga Soomaaliya ee ku sugan Degmada Baraawe iyo Degmooyinka kale ee Gobolka Shabellaha Hoose ka tirsan ayaa lagu eedeeyay in Lacago Baad ah ay ka qaadaan Gaadiidka ka shaqeeya Muqdisho iyo Shabellaha Hoose.

Si kastaba ha ahaatee, Degmada Baraawe waxay kamid ahayd Goobaha ay Al shabaab ku xoog badan yihiin oo xaruumaha u ahaa kahor inta aanan Ciidanka Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo AMISOM la wareegin dhamaadka 2014.

Share this post

Post Comment