Banaanbixii ugu balaarnaa oo loogasoo horjeedo Wargeyska Charlie Hebdo oo ka dhacay Chechniya(Daawo Sawirada)

jej_1 jej_2 jej_3 jej_4 jej_5 jej_7 jej_8 jej_9 jej_10 jej_66

Waxaa shalay Caasimada Jamhuuriyada Chechniya ee Grozny ka dhacay banaanbixii ugu balaarnaa oo looga soo horjeeday sawir gacameed uu Wareyska Charlie Hebdo ee kasoo baxa Dalka Faransiiska uu ku aflagaadeeyay Nabi Maxamed SCW.

Banaanbaxan ay kasoo qeyb galeen dad kor u dhaafaya 800,000 kun oo qof oo katirsan Muslimiinta Chechniya , waxaa ku baaqay banaabaxan balaaran ee looga soo horjeeday Wargeyska Charlie Hebdo hogaamiyaha Chechniya Ramzan Kadirov.

Hogaamiyaha Chechniya Ramzan Kadirov, oo khudbad qiimo badan ka jeediyay Dibad baxaasi looga soo horjeeday Wareyska Charlie Hebdo ayaa sheegay in Shacabka Chechniya diyaar u yihiin in ay u dhintaan difaaca Nabigooda Maxamed (NNKH).

Telefishinka laga leeyahay Dalka Ruushka ayaa si toos ah u tabinayay Banaanbaxan ka dhacay Chechniya, waxa uuna dibad baxan ahaa kii ugu balaarnaa ee isugu soo baxaan dad Muslimiin ah oo ka careesan sawir gacameed uu Wareyska Charlie Hebdo ku aflagaadeeyay Nabi Maxamed SCW.

Share this post

Post Comment