Sawir laga sameeyay Wasiirada Damul Jadiid oo Magacyadooda la isku qasayo si mar kale loogu soo daro Golaha Wasiirada

magacyada

Kaartooniistaha inta badan Sawiradiisa ku cabira Siyaasada ka jirta Dalka Soomaaliya ayaa maanta bogiisa kusoo bandhigay Sawir qosol badan uu ka sameeyay Wasiiro katirsanaa Xukuumadii lakala diray oo magacyadooda lakala badalayo si mar kale dadka loogu qaldo looguna soo daro GolahaWasiirada.

Sawirka waxaa ka muuqda Madaxweynaha oo R/Wasaaraha Somalia sabuurad ugu dhigaya Magacyada Sadax kamid ah saaxiibadiisa kuwaa oo sabab u noqday in Golahii Wasiirada ee lasoo dhisay lakala diro kahor inta aan Baarlamaanka la horgeyn .

R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa sawirka la sameeyay muujinaya isaga oo afka gacanta saartay lana yaaban raga magacyadooda lakala hor marinayo , waxa uuna isweediinayaa hadii lakala badalo magacyada sida wajigooda loo badali karo dadkana loogu qaldi karo.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post