Home.Warka

Barnaamijka Hiigsiga Cusub (New Deal)

Like Tweet Pin it Share Share Email

higsi_1 higsi_2 higsi_3 higsi_4 higsi_5 higsi_6 higsi_7

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 27-1-2015 ku daah furay magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland Shirweyne Looga Hadlayey Barnaamijka Hiigsiga Cusub (New Deal) ee Horumarinta Kaabayaasha DHaqaalaha

Shirweynaha ayaa waxaa kasoo qayb galay Wakiillo Kakala socda Dhammaan Maamullada Kajira Dalka Soomaaliya , Xubno Ka socdey Deeq bixiyayaasha Caalemiga ah , iyo Hay’adaha Ka hawl-gala guud ahaanba dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Dr. Abdiweli Mohamed Ali Gaaas ayaa Khudbad Taariikhi ah kajeediyey Madasha Shirka isagoona Tilmaamay sida uu ugu faraxsanyahay Shiweynahan heerka Qaran ee lagu qabtay Caasiadda Puntland ee Garoowe uuna Rajeynayo inuu yahay Barnaamij wax badan kabedeli doona guud ahaanba dalka Soomaaliya

“Aad baan ugu faraxsanahay maanta inaan isugu wada nimaadno Barnaamijkan muhiimadda inoo wada leh dhammaanteen haddaan Soomaali nahay , waa barnaamij aan rajeynayo inuu noqdo mid wax badan katari dib udhiska soomaaliya , soo noolaynta soomaaliya, helitaanka soomaali mid ah ,soomaali ka baxda dhibkii dhowr iyo labaanka sano aan kujirney , soomaali u socota meel wanaagsan gaadhsiisana Soomaaliya meeshii ay istaahisho ayna ka qaaddo meesha ay hadda joogto” ayu yidhi Madaxwene Gaas.

Madaxweynaha Puntland Dr Gaas ayaa Sheegey in muddadii uu adduunku gaadhey horumarka ballaadhan ee soomaaliya kamaqani ay tahay labaatankii sanno ee soomaliya ay kujirtey burka iyo dawladd la’aanta, sidookale waxaa tilmaamay Madaxweyne Gaas horumarinta kaabayaasha dhaqaaluhu ay ka Puntland ahaa Muhimad Gaar ah U leedahay.

“Dabcan Siyaasadda ayaa Hoggaamisa horumarka laakiin meesha aanu ka hadhnay adduunka waa dhowr iyo labaatankii sano ee u dambeeyey ee adduunku gaadhey horumarka marka wixii horena waa burburay wax dambe oo dhowriyo labaatankaa sanno waddanka lagusoo kordhiyeyna majirto ,

Waxaa Runta ah oo xaqiiqada ah oo lataabanayo oo soomaaliya gaadhi kara oo jiilka hadda jira iyo ka soosocdaba wax tar unoqon doonaahiwaa kan maanta halkaa loo fadhiyo, waxaad ogaataan haddaba inuu muhimaddaa gaarka ah inuu nooleeyahay aad ogaataan, annagana ka Puntland ahaan Horumarka Kaabayaasha Dhaqaaluhu iyo Waxsoo Saarku Muhimad Gaara ayuu nooleeyahay”. Sidaasi waxaa yidhi Madaxweyne Gaas.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *