Askar kawada tirsanaa Ciidamada Dowlada oo isku dilay Magaalada Muqdisho

Somalia Explosion

Wararka laga helaayo Degmada Xamar Jajab, ayaa sheegaya in Askar ka tirsan Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ay halkaasi isku dileen.

Wararku waxa ay sheegayaan in Askari Boolis ah uu dhaawacay mid kale sidaana uu kii kale ku dilay, waxa uuna dilkaasi uu ka dhacay Isgoyska Sheelare ee Degmada Xamar Jajab, iyadoo halka uu dilku ka dhacay uu ku dhow yahay Dekeda Caalamiga ah ee Muqdisho.

Labada askari, ayaa waxaa la soo sheegayaa in murun iyo is qab-qabsi uu soo kala dhexgalay, taasina ay keentay in mid ka mid ah uu ku kaco fal dil ah.

Ciidamada Dowladda oo ku baxay halkii uu dilku ka dhacay, ayaa waxaa u suurta gashay inay gacanta ku soo dhigaan askarigii dilka geystay oo markii hore la dhaawacay.

Goobjooge, ayaa ku waramaaya in askarigu uu qoriga iska dhigay, markii ay soo hujuumeen askar fara badan, oo ka tirsan laamaha ammaanka ee Degmada Xamar Jajab.

Dhegaha shacabka reer Muqdisho kuma cusba in askari ka tirsan Ciidanka Dowladda uu si bareer leh, uu askari kale ugu dilo xaafadaha kala duwan ee Xarunta Somaliya.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post