Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo wada qorshooyin aan raali galin doonin R/wasaaraha (Warbixin)

 

_62395823_tltf6otkXildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay magaalada Muqdisho kawadaan kulamo ay kaga soo horjeedaan Xukuumada cusub ee R/wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Xildhibaanadaani ayaa waxa ay qeyb ka yihiin kuwa ilaa iyo hada ka dhaga adeegaya inay taageeraan Xukuumada cusub waxa uuna kacdoonkooda suuragalin karaa in mar kale ay caqabad ku noqdaan Jiritaanka Xukuumada.

Waxa ay ku adeegayaan in weli uu tashwiish ku jiro Xukuumada cusub oo ay weli ka dhexmuuqdaan Xubno ka tirsan Dam-Jadiid oo horay u gudbiyay Codsiyadooda balse xiligaani ay fursada u saamaxday maadaama ay jiraan Caqabado xukuumada ka heysta dhanka Baarlamaanka.

Tani waxay culeys labaad ay ku keeni doontaa Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, oo horey ugu fashilmay in Baarlamaanku uu ka dhaadhiciyo inay codka siiyaan, Golihii Wasiirada ee uu soo magacaabay 12-kii bishaan.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post