Madaxweynaha Somalia oo Adis Ababa kaga qeyb galay shirkii madaxda Wadamada IGAD

igg_1 igg_2 igg_3 igg_4

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgaley shir madaxeedka waddamada xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD oo ka dhacay magaalada Addis Ababa.

Kulankan aan caadiga ahayn ee madaxda IGAD oo ahaa kii 29aad, ayaa waxaa si weyn looga hadlayey sidii xal loogu heli lahaa dagaalka ka socda Jamhuriyadda Koonfuurta Suudaan.

Dagaalka ka socda Koonfuurta Suudaan ayaa u dhexeeya Madaxweynaha dalkaasi Salva Kiir Mayardit iyo madaxweyne ku xigeenkiisii hore Riek Machar. Waxaana uu bilowdey bishii December sannadki 2013kii.

Madaxda waddamada IGAD ayaa gebagabadii kulankaasi muhiimka ah go’aansadey in dib la isugu soo laabto maalinta Sabtida oo la filayo in natiijooyin ay ka soo baxaan.

Labada nin ee is haya, Madaxweyne Salva Kiir Mayardit iyo Riek Machar ayaa kulan madaxeedkaasi ka hor kulan fool ka fool ah uu dhexmarey.

Shir madaxeedkan IGAD ayaa ka mid ah shirarka barbar socda kulan madaxeedka dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika oo dhacaya 30-31 bishan.Arag Sirta Dhabta ee Golaha Wasiirada Cusub Lagu Soo Magacaabay iyo Qaarkood Goortii Lamagacabaaye Sidaan Xaalkooda Ahaa&Masjidka Nabiga oo Geeri Mucjiso Kadhacday Caalamkana Kayaaban

Share this post

Post Comment