Home.Warka

Diyaarad siday Qamri farabadan oo kasoo caga dhigatay Garoonka Aadan Cadde iyo Laamaha amaanka oo gacanta ku dhigay

Like Tweet Pin it Share Share Email

download

Wararka naga soo gaaraya garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ee garoonka ay qabteen diyaarad ay saarnaayeen waxyaabaha maanka dooriya.

Laamaha ammaanka Dowladda Somaliya ee ka hawlgala Garoonka Aadan Cadde, ayaa waxa ay hadda wadaan baaritaano ay ku xaqiijinayaan diyaaradda laga lee yahay dalka Kenya ee Maandooriyaha waday, mana jirin wax rakaab ah oo saarnaa Diyaaradaasi markii laga reebo Maandooriyaha ay waday.

Sidoo kale, waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in diyaaraddu ay qamriga u siday Shirkadda SKA, oo xilligaan gacanta ku heysa qaybta shidaalka ee Garoonka Aadan Cadde, horeyna u maamuli jirtay Garoonka oo idil.

Waxaa hadda garoonka ku sugan taliyaha ciidamada nabad sugida iyo taliyaha ciidamada amaanka ee garoonka diyaaradaha iyo sidoo kale taliyaha waaxda socdaalka ee dowlada Soomaaliya. Ciidamada ayaana baaritaan ku haya diyaaradaasi.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan la ogeyn tallaabada ay Dowladda Somaliya ka qaadi doonto diyaaradda qamriga keentay dalka iyo weliba Shirkadda SKA, oo laga lee yahay dalka Koonfur Afrika.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *