Weeraro ismiidaamin ah oo goor dhow gilgilay goob laga raaco Basaska oo ku taala Magaalada mashquulka badan ee Potiskum ee wadanka Nigeria

download (1)

Weerar ismiidaamin ah oo sababay dhimashada in ka badan 10 ruux, ayaa galabta waxa uu ka dhacay goob basaska laga raaco oo ku taala Magaalada Potiskum, ee Waqooyi Bari Nigeria.

Goobjooge, ayaa BBC-da u sheegay in nin watay bac ay ku jiraan walxaha qarxa uu isku deyay inuu halkaasi bas ka raaco, laakiin ay Ciidamada Booliska ka horjoogsadeen, waxaana xigay in uu is qarxiyo.

Meydadka 13 ruux, ayaa waxaa laga qaaday goobta uu qaraxu ka dhacay, halka dhaawacyaduna ay sii caga cageynayaan in ka badan 30 kale.

Axadii, ayay ahayd markii gabar 10 sano jir ah ay isku qarxisay suuq laga dukaameysto oo ku yaala Magaalada Potiskum, waxaana weerarkaasi ku dhintay ugu yaraan lix ruux oo gabadhaasi ay ku jirto.

Labadaasi weerar, ayaa waxaan jirin cid si rasmi ah u sheegatay, laakiin waxaa lala xiriirinayaa Ururka Islaamiga ah ee Boko Haram, oo Nigeria ka geysanaaya weerarada isqarxinta ah.

Nigeria waxaa si weyn ugu soo badanaaya weerarada ismiidaaminta ah, xilli dalalka Nigeria, Niger, Chad iyo Cameroon ay iska kaashanayaan dagaalka ka dhanka ah Boko Haram.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post