Home.Warka

Madaxweynaha Puntland oo gaaray Kismaayo, lana kulmay Axmed Madoobe: SAWIRRO

Like Tweet Pin it Share Share Email

image

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo oo booqasho ugu bilaabatay, iyadoo Madaxda Jubbaland iyo qeybaha bulshada ay ka qeyb qaateen soo dhoweynta Cabdiweli Maxamed Cali ” Gaas”.

Madaxweeynaha Puntland Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa ka mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo, wuxuuna xusay in ay u yimaadeen sidii loo adkeyn lahaa xiriirka u dhexeeya maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Gaas ayaa sheegay in uu kulamo la qaadan doono Madaxda Jubbaland iyo qeybaha bulshada, si loo xoojiyo xiriirka labada maamul. waxaana safarkaan qeyb ka ah Isimo iyo xubno ka tirsan Xukuumadda Gaas iyo Xildhibaano.

Madaxweeynaha maamulka Jubbaland Sh. Axmed Madoobe ayaa isna sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin booqashada wafdiga uu hogaaminayo madaxweeynaha Puntland ee soo gaaray magaalada Kismaayo isagoo sheegay in Puntland ay qeyb weyn ka qaadatay dhismaha maamulka Jubbaland.

Waa booqashadii ugu horeysay ee Madaxweynaha Puntland uu ku tago Kismaayo, tan iyo markii loo doortay hoggaanka Puntland.

image

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *