Weerar Cirka ah oo lagu Qaaday Sarkaal Al-shabaab ah.

images

Wararka ka imanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in diyaarad nooca aan duuliyaha wadin ay bartilmaameedsadatay baabuur ay la socdeen saraakiil ka tirsan ururka Al-Shabab.

Baabuurkan ayaa la sheegay inuu marayey meel u dhow tuulaha Abaa Haluul oo u dhaxaysa magaalooyinka Baardheere iyo Diinsoor.

Warar lagu kalsoon yahay  ayaa sheegay in baabuurka la duqeeyey oo burburay ay la socdeen laba sarkaal oo ka tirsan ururka Al-Shabab.

Wararka hordhaca ee ay helayso ayaa sheegaya in sarkaalka la bartilmaameedsaday lagu magacaabo Aadan Garaar oo ka tirsan Amniyaatka Al-Shabab.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post