Home.Warka

Madaxweynaha Soomaaliya oo u dhoofay dalka Masar halkaasi oo ka furmi doono shir caalami ah.

Like Tweet Pin it Share Share Email

xasan diyaarad

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii danbe ee maanta u ambabaxay dalka Masar, halkaasi oo uu kaga qeybgeli doono shir caalami ah oo looga hadli doono horumarinta dhaqaalaha.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaraddaha Muqdisho kusii sagootiyay Wasiiro, Xildhibaano iyo mas’ uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan.

Afhayeenka madaxtooyada Daa’uud Aweys ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya lagu casuumay shir looga hadlayo arrimaha dhaqaalaha oo ka dhicidoona magaalada Sharma-sheekh ee dalka  Masar.

Wuxuu intaa ku daray in Madaxweynahe Xasan Sheekh uu kulamo la qaadan doono madaxda carabta ee ka qeybgaleysa shirka horumarinta dhaqaalaha ee ka furmi doona Masar.

Booqashada Madaxweyne Xasan uu ku tegayo dalka Masar ayaa noqoneysa tii labaad tan iyo markii uu qabtay Madaxtinimada Soomaaliya.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *