4 Beel oo ku heshiiyay shirka Dhuusamareeb.



Afar beel oo ka tirsan beelaha dega gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa maanta heshiis nabadeed ku kala saxiixday shirka dib-u-heshiisiinta ah ee ka socda magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Heshiiska oo ka kooban dhowr qodob waxaa ku jira in ay beeluhu iska cafiyaan wax kasta oo ay kala tabanayaan, inay dhaqan galiyaan heshiiska iyo inay ka wada shaqeeyaan nabadda iyo horumarka labada gobol.

Waxgarad ka tirsan beelaha heshiiyay oo ka hadlay madasha ayaa sheegay inay qaateen nabad, ayna dhaqan galinayaan heshiiska, waxayna u jeediyeen beelaha kale inay ka heshiiyaan wax kasta oo dhex maray.

Xildhibaan Jawaahir Axmed Cilmi oo heshiiska ka qeyb gashay ayaa sheegtay in ay si weyn u soo dhaweyneyso heshiiska beelaha iyo shirka ka socda Dhuusamareb, waxayna ku talisay in dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka ah ay gacan siiyaan dadka abaaraha iyo colaadaha ay ku saameeyeen gobolka.

Ugaas Axmed Taakooyin iyo Nabaddoon Ciise Macallin Maxamuud oo goobjoog ka ahaa heshiiska ayaa u hambalyeeyay beelaha heshiiyay, waxayna ka dalbadeen beelaha kale inay qaataan nabadda.

Shirka dib-u-heshiisiinta beelaha ee ka socda Dhuusamareeb waxaa horay ugu heshiiyay inta badan beelaha Gobollada dhexe.

Share this post

Post Comment