Golihii adeegga garsoorka Soomaaliya oo la kala diray.


Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kala diray golihii adeegga garsoorka ee dowladda Soomaaliya.

Wareegto 11-kii bishaan kasoo baxday xafiiska madaxweynaha oo caawa soo gaartay Bar-kulan ayaa lagu xaqiijiyay kala diridda golaha oo aan saamayn doonin guddoomiyaha maxkamadda sare iyo xeer ilaaliyaha guud ee qaranka oo ka tirsan golaha.

Wareegtada ayaa lagu xusay in madaxweynuhu kaladirista golaha u cuskaday dastuurka dalka, baahida loo qabo shismaaha gole garsoor oo rasmi ah, cabashooyin ka yimid bulshada iyo danta guud ee dalka iyo dadka.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dalbaday goleyaasha xukuumadda iyo sharcidajinta inay dhakhso u soo dhammaystiraan golaha, si loo dardargaliyo hawlaha garsoor ee dalka.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post