Lacag loo qoondeeyay mas’uuliyiinta sare ee ka taga shaqada.


Guddiga Joogtada ah ee golaha baarlamanka ee Soomaaliya oo kulan uu ugu socday magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda ayaa maanta ka dooday xaquuq lacag ah oo ay yeelanayaan mas’uuliyiinta xilalka sare ka qabta dowlada Soomaaliya.

Xoghayaha guud ee golaha baarlamaanka Soomaaliya Cabdikariin Xaaji Cabdi (Buux) oo markii uu kulanka soo idlaaday la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in kulanka intii uu socday ay xubnaha guddiga joogtada ah ay isla jaangooyeen xuquuq lacag ah oo ay yeelanayaan mas’uuliyinta xilalka sare ka qabta dowladda ee shaqada ka tagay iyo mas’uuliyiinta howlgabka noqday.

Buux ayaa xusay arrinta xaquuqda lacagta ay helayaan mas’uuliyiinta dowladda u soo shaqeeyay ay muhiim tahay xooggana la saari doono.

Kulan howleed la xiriiray dejinta qorsheyaasha Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo muddo lix cisho ah ka socday Kampala ayaa maanta la soo gabagabeeyay.

Share this post

Post Comment