Madaxwayne kuxigeenka Sierra Leone oo US isku dhiibay.


Madaxweyne ku xigeenka dalka Sierra Leone, ayaa sheegay in uu magangalyo ka raadsanayo safaaradda Maraykanka ee caasimadda Freetown.

Ciidamo ayaa galay gurigiisa oo hubkana ka dhigay ilaaladiisa.

Isbuucii la soo dhaafay xisbiga talada dalkaasi haya ee APC ayaa Mr Sam-Sumana ka cayriyay xisbiga.

Waxa ay ku eedeeyeen kicin rabshado, beenna uu ka sheegay waxbarashadiisa iyo diintiisa.

Dabayaaqadii bishii hore ayuu is-karintiilay kadib markii mid kamid ah illaaladiisa uu u dhintay cudurka ebola.

Waxa uu wakhtigaasi sheegay in mudda 21 bari ah uusan xiriir samayn doonin.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post